Baarlamaanka oo maanta dib u furmaya

0
172

Waxaa maanta dib u billaabanaya kal-fadhiyada golaha qaran ee xeer dejinta iyo aqalka sare ka dib fasax ay xubnuhu muddo ku maqnaayeen.
Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula ayaa sheegay inay mudnaan siin doonaan ka doodidda warbixintii uu soo saaray guddigii wada hadallada qaran ee NADCO ee matalayay isbeheysiyada Kenya Kwanza iyo Azimio La Umoja-One Kenya.
Wetangula ayaa xusay in warbixintan ay tahay ajeendaha koowaad ee howlaha baarlamaanka maadaama sida uu hadalka u dhigay ay taabanaysa dano qaran oo muhiimad gaar u leh kenyaanka.
Arrimahan waxaa ka mid ah magacaabidda saraakiisha sare ee guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC, xafiiska rasmiga ee madaxa mucaaradka iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Xildhibaannada ayaa sidoo kale guda geli doono qorshaha miisaaniyad sanadeedka 2024-2025.