Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa maalinkii afaraad maanta dadweynaha fursad u siin doono inay aragtidooda ka dhiibtaan hindise sharciyeedka guriyeynta ee sanadkii hore ee 2023-kii.
Shacabka ismaamulka Vihiga ayaa maanta afkaartooda ku gudbin doono kaniisadda Friends Church .
Waxaa fadhiyadan si wadajir ah u qabanaya guddiyada baarlamaanka ee maaliyadda iyo guriyeynta.
Kulamadan ayaa lagu qabtay ismaamullada Homa Bay, Kiambu, Kisii iyo Kirinyaga.
Mr. Tom Didi oo ka mid ah dadka qabo baahiyaha gaarka ah ee (PWDs) ayaa ku baaqay in naafada ay xubin ku lahaadaan guddiga guriyeynta ee la soo jeediyay sida ku cad farqada 12-aad ee hindise sharciyeedka #Affordablehousingbill2023.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in marka guriyahan la dhisaya la tixgeliyo baahiyaha dadka naafada ah.
Dowladda dhexe ayaa ku howlan dhisidda guriyo tayeysan oo ay kenyaanka qiimo ay awoodaan ku degi karaan si meesha looga saaro xaafadaha isku raranta ah ee aynan u dhameystirnayn adeegyada aasaasiga ee bulshada.
Home Wararka Kenya Baarlamaanka oo maalinkii 4-aad uruurinaya aragtida shacabka ee hindisaha guriyeynta




