Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah ayaa golaha qaran ee xeer dejinta hor geeyay hindise sharciyeed uu ku doonayo nidaaminta canshuurta guriyeynta.
Barnaamijkan dowladeed ayaa ku saabsan in bil kasta dadka shaqeeya iyo xarumaha ay ka howlgalaan ay boqolkiiba min 1.5 ku biiriyaan sanduuqa guriyeynta ee lagu maalgelinaya dhisidda guriyo tayo leh oo ay kenyaanka ku degi karaan qiimaha ay awoodaan.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa marar badan difaacay mashruuca guriyeynta.
Waxaa uu ku celceliyay in ujeedda laga leeyahay ay tahay in meesha laga saaro xaafadaha isku raranta ah ee dadka ku nool aynan haysan adeegyada aasaasiga.
Hasa ahaate waxaa maxkamadda dacwad u gudbiyay ururro kala duwan oo qorshahan dhaliilsan.
Maxkamadda sare ee dalka ayaa bishii hore sharci darro ku tilmaantay canshuurtan waxayna amartay in xeerkan lagu dabaqo dastuurka wadanka.
Waxaa 28-kii bishii hore go’aankan soo saaraya garsoorayaasha kala ah David Majanja, Christine Meoli iyo Lawrence Mugambi.
Baarlamaanka ayaa akhrinta koowaad mariyay hindisaha uu gudbiyay hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka.
Dib u eegistan ayaa sidoo kale lagu doonaya in lagu soo dhiso guddi qaabilsan maareynta sanduuqa guriyeynta ee Housing Fund.