Maamule sare oo Kenyaan ah ayaa xafiiska afhayeenka baarlamaanka dalka u gudbiyay codsi uu ku doonayo in aaladda TikTok laga mamnuuco gudaha wadanka.
Shakhsiga dacwadda gudbiyay oo lagu magacaabo Bob Ndolo, ayaa ah maamulaha shirkadda latalinta Bridget Connect Consultancy.
Waxaa uu ku doodaya in waxyaabaha ku jira aaladda TikTok ay kor u qaadaan rabshadaha jinsiga, hadallada nacaybka iyo aflagaadada, taas oo wiiqaysa qiyamka dhaqanka iyo diinta.
Bob Ndolo ayaa intaasi ku daray in Tiktok ay adeegsadaan dad aynan niyadoodu wanaagsanayn oo ku faafiya farriimo sidoo kale wadanka u horseedi karo xasilooni darro.
Waxaa uu xusay in aaladda Tiktok ay hoos u dhac u keentay tacliinta dhallinyarada waxbarashada ku jirta .
Ninkan ayaa sidoo kale sheegay in daawashada Tiktok ay khatar ku tahay caafimaadka maskaxda.
Bob Ndolo oo mooshinkan gudbiyay ayaa sheegay in saameynta Tiktok uu dhallinyarada u keenayo ay ka mid tahay niyad jab, walaac iyo hurdo la’aan.
Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Moses Wetangula ayaa sheegay inay eegi doonaan codsiga lagu doonayo in dalka laga mamnuuco adeegsiga aaladdan, islamarkaana baralamaanka ay go’aan ka soo saari doonaan.
Home Wararka Kenya Baarlamaanka oo loo gudbiyay codsiga lagu doonayo in Kenya laga mamnuuco isticmaalka...