Baarlamaanka oo Khamiista yeelan doono kal-fadhi gaar ah

0
317

Waxaa uu qorshuhu yahay in Khamiista soo socoto ee 8-da bishan Diseembar uu golaha qaran ee xeer dejinta yeesho kal-fadhi gaar ah oo lagu ansaxinaya miisaaniyad dheeraad ah oo ay dowladda dhexe soo bandhigtay.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo qaar ka mid ah kenyaanka ay weli qaadanayaan lacagaha amaahda ah ee sanduuqa dhinaca dhaqaalaha looga caawinaya ganacsatada yartar ee Hustler Fund.
Dhanka kale xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Ijara ee ismaamulka Garissa Cabdi Cali Cabdi ayaa dhankiisa ku baaqay in dowladda dhexe ay soo saarto nidaam dhaqaale oo aan dulsaar lahayn si ay uga faa’iidaystaan muslimiinta kenyaanka ah.