Waxaa uu qorshuhu yahay in kal-fadhiyada baarlamaanka dalka ay dib u billowdaan galinka dambe ee maanta ka dib 10 cisho oo ay fasax ku jireen.
Waxaa xilligaasi socday turxaan bixin uu guddi baarlamaani ah ku sameynaya xubnaha golaha wasiirrada ee uu bishii hore soo magacaabay madaxweynaha dalka William Ruto.
Qoraalka baarlamaanka waxaa ku cad in berri oo Arbaco ah laga doodi doono warbixinta uu soo gudbinaya guddiga turxaan bixinta.
Guddigan oo uu hoggaaminaya guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetang’ula ayaa sharci ahaan haysta ugu dambeyn Khamiista.
Mudanayaasha ayaa ansaxin doono wasiirrada magacaaban ama dhinac iskaga dhigi doono.
Haddii ay meel mariyaan, karaaniga baarlamaanka Serah Kioko, ayaa madaxweynaha dalka ku wargelin doonto si xubnahan loo dhaariyo.




