Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa lagu wadaa inuu billaabo dood ku aaddan soo jeedin ka timid madaxweynaha dalka William Ruto oo uu ku doonaya in isbeddel lagu sameeyo dastuurka wadanka.
Waxaa mooshinkan xildhibaannada hor dhigi doono hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kimani Ichungwah.
Mudanayaasha ayaa afkaartooda ka dhiiban doono arrintan oo ay siyaabo kala duwan uga falceliyeen siyaasiyiinta mucaaradka iyo muxaafidka labaduba.
9-kii bishii 12-aad ee sanadkii hore ayay ahayd markii hoggaamiyaha wadanka uu guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetangula iyo dhigiisa aqalka sare Amason Kingi uu ku wargeliyay inuu doonaya soo dhisidda xafiiska rasmiga ee madaxa mucaaradka.
Tani ayuu sheegay inay sare u qaadi doonto la xisaabtanka dowladda talada haysa.
Ruto ayaa sidoo kale rabo in dib loo eego xeer hoosaadka baarlamaanka si wasiirrada ay si toos ah uga jawaabaan su’aallaha mudanayaasha.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xildhibaannada ka codsaday inay si buuxda u sharciyeeyaan sanduuqa qaran ee horumarinta deegaannada ee NG-CDF.
Golaha xeer dejinta ayaa sidoo kale eegi doono codsiga madaxweynaha ee la xiriira miisaaniyad dheeraad ah si qarashaadka ay dowladda ku bixiso howlaheeda oo hadda ah 3.36 tiriliyoon oo shilin loo gaarsiiyo ilaa 3.72 tiriliyoon.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo golaha wasiirrada ee dalka ay dhanka kale ansixiyeen in qarashaadka ku baxo barnaamijyada dowladda laga dhimo ilaa 300 oo bilyan oo shilin si loo yareeyo deymaha.