Baarlamaanka oo fursad siinaya afkaarta shacabka ka hor ansixinta wasiirrada magacaaban

0
300

Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa dadweynaha ugu baaqay inay soo gudbiyaan afkaartooda ku aaddan wasiirrada uu soo magacaabay madaxweynaha dalka William Ruto.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu qorshuhu yahay in turxaan bixin ka dib uu guddiga baarlamaanka u qaabilsan magacaabidda warbixin soo bandhigo 27-ka bishan.
Karaaniga baarlamaanka ,Serah Kioko ayaa sidoo kale doonayo in shacabka ay ka soo aragti dhiibtaan xilalka loo magacaabay Justin Muturi iyo Mercy Wanjau ee kala ah xeer ilaaliyaha guud iyo xoghayaha golaha wasiirrada.
Waxay sheegtay in afkaarta qaab qoraal oo ay dhaarasho weheliso lagu gudbinaya ka hor mise ugu dambeyn 5-ta galabnimo ee Jimcada soo socoto.
Qofka waa inuu hayo caddeyn uu ku taageeraya ama uga soo horjeedo in wasiir uu qabto xilka loo magacaabay.
Karaaniga baarlamaanka waxay sheegtay in magacyada shakhsiyaadka uu soo xushay William Ruto lagu wareejiyay guddiga golaha xeer dejinta u qaabilsan howlaha magacaabidda si uu turxaan bixin u sameeyo.
Shalay ayay ahayd markii guddoomiyaha baarlamaanka ,Moses Wetangula uu sheegay inuu magacyada shakhsiyaadkan si rasmi ah uga guddoomay hoggaamiyaha wadanka.
Madaxa xisbiga Wiper ,Kalonzo Musyoka ayaa horay xubnaha baarlamaanka ee ka tirsan isbeheysiga Azimio ugu baaqay inaynan ansixin wasiirrada la soo magacaabay ee wajahaya dacwadaha iyo kuwa aan buuxin shuruudaha hoggaanka iyo hufnaanta ee ku qeexan cutubka 6-aad ee dastuurka dalka.