Baarlamaanka oo doonaya in la baaro miisaaniyad ay dowladdu ku kabtay bacriminta

0
259

Guddiga xisaabaadka ee baarlamaanka ee PAC ayaa doonaya in baaritaan dabagal ah lagu sameeyo miisaaniyad ay dowladdu sheegtay inay ku kabtay bacriminta loo adeegsado wax soo saarka beeraha.
Waxaa mooshin arrinkan ku aaddan guddiga u soo gudbiyay xildhibaanka deegaanka Lugari ee ismaamulka Kakamega Nabii Nabwera Daraja.
Guddiga PAC ee uu hoggaamiyo John Mbadi ayaa ansixiyay in baaritaan dhanka hanti dhowrka ah lagu sameeyo 15 bilyan oo shilin oo la sheegay in dowladdu ay ku taageertay in beeralayda ay bacriminta ku helaan qiimo ay awoodaan.
Mbadi iyo xildhibaannada kale ayaa karaaniga baarlamaanka u qoray warqad ku aaddan inuu amro baaritaan gaar ah oo la sameynaya 30 cishe gudahooda.
Dowladda dhexe ayaa horay u sheegtay in miisaaniyadda ay soo saartay awgeed in qiimaha bacriminta oo horay ahaa 6,000 oo shilin inuu hoos u soo dhacay oo uu noqday 3,500 oo shilin.
Siyaasiyiinta ayaa sheegaya inay suurtagal tahay in barnaamijkan lagu lunsaday kheyraadka dadweynaha.