Baarlamaanka oo dib u dhigay kulan duco

0
295

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula ayaa sheegay in dib loo dhigay kulan duco oo uu qorshuhu ahaa in la qabto berri oo ay taariikhdu ku beegan tahay 31-da bisha Shanaad ee May.
Kulankan ayaa qabsoomi doono 7-da bisha Lixaad ee sanadkan.
Baraha rasmiga ee baarlamaanka ayaa isbeddelkan lagu shaaciyay.
Munaasabadda oo ah duco qaran oo sanadkiiba mar la isugu yimaado ayaa ka dhici doonta maqaaxida Safari Park Hotel ee ismaamulka Nairobi.