Baarlamaanka oo dalbaday in baaritaano lagu sameeyo dhisidda fasallada CBC

0
227

Guddiga xisaabaadka ee baarlamaanka dalka ayaa amar ku bixiyay in baaritaano hanti dhowr ah lagu sameeyo mashaariicdii lagu dhisay fasallada manhajka waxbarasho ee CBC.
Xubnaha guddigan ayaa doonaya in la ogaado sida loo isticmaalay 4.5 bilyan oo shilin oo la sheegay in fasalladan lagu hirgeliyay.
Lacagtan ayaa la adeegsaday wajiga labaad ee barnaamijkan.
Baarlamaanka ayaa su’aal geliyay qaabka lagu soo xushay qandaraasleyda mashruucan loo xil saaray.
Sidoo kale waxay doonayaan in la qiimeeyo tayada fasallada si loo xaqiijiyo in shaqooyinka ay qabteen qandaraasleyda ay u dhigmaan qarashaadka dowladda uga baxay.
Xoghayaha tacliinta aasaasiga ee wasaaradda waxbarashada Dr. Belio Kipsang ayaa guddiga xisaabaadka ee baarlamaanka u sheegay in markii la soo xulanayay qandaraasleyda dhisay fasallada CBC in howshaasi laga qayb geliyay xubnaha bulshada iyo guddi iskudhaf ah.
Hasa ahaate mudanayaasha ayaa sheegay inay jiraan waxyaabo badan oo u baahan in la xaqiijiyo.