Baarlamaanka oo baaraya dayactir lagu sameeyay KICC

0
245

Xildhibaannada baarlamaanka dalka ayaa baaritaano dabagal ah ku sameynaya dayactirka xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi xilli loo diyaar garoobayay shirkii isbeddelka cimillada ee qaaradda Afrika.
Shirkan ayaa KICC lagu qabtay intii u dhexeysay 4-tii ilaa 6-dii bishii Sagalaad ee sanadkii 2023-kii.
Mudanayaasha ayaa eegaya warar soo baxay oo tilmaamaya in qiimaha qandaraaska dayactirka oo horay ahaa 1.9 bilyan oo shilin laga dhigay 3.2 bilyan.
Qandaraaslayaal maxalli ah oo dayactirka KICC qayb ka ahaa ayaa baarlamaanka u gudbiyay cabasho ku aaddan in aan la siin lacagahooda.
Waxay sheegeen in lagu qasbay in ay saxiixaan qandaraaska ay gacanta ku haysay shirkadda dhismaha ee laga leeyahay Shiinaha ee Wu Yi taasi oo uu qiimaheedu ahaa 3.2 bilyan oo shilin.
Hasa ahaate, guddiga golaha qaran ee xeer dejinta u qaabilsan arrimaha dalxiiska iyo deegaanka ayaa u yeeray xoghayaha wasaaradda gaashaandhigga iyo maareeyaasha sare ee shirkadda Wu Yi.
Madaxdan ayaa laga doonaya in ay cadeeyaan sida ay ku dhacday in qiimaha qandaraaska uu gaaray 3.2 bilyan oo shilin iyadoo miisaaniyadii loo qoondeeyay ay ahayd 1.9 bilyan oo shilin.
Mercy Meria oo ka mid ah qandaraasleyda ayaa sheegtay in ay la yaab ku noqotay in warbaahinta ay tabisay qiimaha isdhaafsan ee qandaraaska.
Mudanaha deegaan baarlamaneedka Waqooyiga Mbeere ee ismaamulka Embu, Geoffrey Ruku ayaa arrintan ku tilmaamay fadeexad lagu dhacay lacagaha dadweynaha.
Wuxuu ballan qaaday in ay ka sal gaari doonaan xaqiiqada arrintan.