Baarlamaanka oo ansixiyey magacaabidda ku xigeenka madaxa bangiga dhexe

0
253

Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa ansixiyey in Dr. Susan Koech ay noqoto ku xigeenka madaxa bangiga dhexe ee dalka ee CBK .
Tani ayaa timid ka dib markii guddiga maaliyadda ee baarlamaanka iyo guddiga maaliyadda iyo miisaaniyadda ee aqalka sare ay si wada jir ah u turxaan bixiyeen haweeneydan.
Koech ayaa xilligii su’aallaha ay ka jawaabaysay ballan qaaday in ay hoos u dhigi doonto qiimaha lacagaha dulsaarka ah.
Dr. Koech ayaa qiimaha guud ee hantideeda ku sheegtay 370 milyan oo shilin.
Sidoo kale waxay hoosta ka xarriiqday inay qaadi doonto tallaabooyin lagu wanaajinaya dhaqaalaha dalka.