Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa meel mariyay qorsho shirkadda dowliga ee qaabilsan maareynta dhuumaha shidaalka ee (KPC) loogu wareejinaya shirkad gaar ah.
Bishii Toddobaad ee sanadkan ayay ahayd markii golaha wasiirrada uu ansixiyay in qayb ka mid ah saamiga dowladda ee KPC la siiyo maalgashato gaar ah si looga macaasho.
Sida laga soo xigtay maamulka waddanka hoggaamiyo , waxaa hirgelinta qorshahan lagu heli doonaa qiyaastii 100 bilyan oo shilin si loola tacaalo gaabadka dhanka miisaaniyadda ah.
Waxaa nidaamkan horay u difaacay wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka Mr.John Mbadi .