Baarlamaanka oo ansixiyay magacaabidda xubno ku biiraya JSC

0
236

Xildhibaannada baarlamaanka dalka ayaa meel mariyay magacaabidda barasaabkii hore ee ismaamulka Bomet ,Isaac Ruto iyo Caroline Nzilani oo ka mid noqonaya xubnaha guddiga adeegga garsoorka ee JSC.
Tani ayaa timid ka dib markii guddiga baarlamaanka ee arrimaha cadaaladda iyo sharciga oo shakhsiyaadkan turxaan bixiyay uu soo jeediyay in magacyadooda la ansixiyo.
3-dii bishii Shanaad ee sanadkan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto oo labadan qof magacaabay.
Waxay ku biirayaan guddiga JSC oo ka kooban 11 xubnood oo ay guddoomiso madaxa cadaaladda dalka garsoore Martha Koome.