Baarlamaanka oo ansixiyay magacaabidda xeer ilaaliyaha iyo wasiiradda EAC

0
272

Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa ansixiyay tallaabadii uu madaxweynaha dalka William Ruto uu Dorcas Oduor iyo Beatrice Askul ugu soo kala magacaabay xilalka xeer ilaaliyaha guud iyo wasiiradda wasaaradda arrimaha jaaliyadda bariga Afrika ee EAC-da iyo horumarinta gobollada.
Labadan haween ayaa la turxaan bixiyay jimcihii hore waxayna hadda sugayaan in jagooyinkooda loo dhaariyo.
Ansixintooda ayaa timid ka dib markii guddiga baarlamaanka u qaabilsan turxaan bixinta lagu sameeyo shakhsiyaadka loo soo magacaabo xilalka dowladda uu shalay soo bandhigay warbixin uu ku sheegaya inuu ku qancay magacaabidda Dorcas iyo Beatrice.