Baarlamaanka oo ansixiyay magacaabidda saraakiisha sare ee IEBC

0
367

Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa ansixiyay magacaabidda guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha ee dalka ee (IEBC) iyo 6 sarkaal oo sare.
Tani ayaa timid ka dib markii uu warbixin soo gudbiyay guddiga arrimaha cadaaladda iyo xeerarka ee baarlamaanka ee (JLAC) oo uu guddoomiye u yahay xildhibaanka deegaanka Tharaka George Murugara.
Guddigan ayaa mas’uuliyiinta sare ee IEBC turxaan bixiyay 31-dii bishii hore ee sanadkan.
Saraakiisha la ansxiiyay ayaa kala ah guddoomiyaha IEBC Mr. Erastus Edung Ethekon iyo Ms. Ann Njeri Nderitu, Mr. Moses Alutalala Mukhwana, Ms. Mary Karen Sorobit, Mr. Xasan Nuur Xasan Prof. Francis Odhiambo Aduol iyo Ms. Fahima Araphat Abdallah oo ah saraakiisha sare ee guddiga.
Guddoomiyaha guddiga arrimaha cadaaladda iyo xeerarka ee baarlamaanka ayaa sheegay in muddo badan ay bannaanaayeen xilalka IEBC sidaasi awgeedna dib u dhiska guddiga doorashooyinka la siiyay mudnaan qaran oo degdeg ah.
Guddiga JLAC ayaa warbixintiisa ku sheegay in magacaabidda saraakiisha lagu saleeyay dastuurka marka la eego isku dheellitirka matalaadda jinsiyadeed , gobollada iyo qowmiyadaha.
Xildhibaanka deegaanka Rarieda ee ismaamulka Siaya sidoo kalena xubin ka ah guddiga JLAC Otiende Amollo ayaa sheegay in ay dul istaageen cabasho kasta oo laga soo gudbiyay mas’uuliyiinta sare ee IEBC oo ay ku qanceen in tabashooyinkaasi aan la caddeyn ama sidii la rabay loola tacaalay.
Wakiilka haweenka ee ismaamulka Mombasa Zamzam Maxamad ayaa dhankeeda sheegtay in hadda laga gudbay bilooyin hubanti la’aan ah oo la soo maray.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah ayaa xusay in labo sano gudahooda ay Kenya ka qabsoomi doonto doorasho guud.