Baarlamaanka oo ansixiyay magacaabidda guddoomiyaha guddiga bangiga CBK

0
203

Baarlamaanka dalka ayaa ansixiyay magaca Andrew Musangi oo loo soo xushay inuu noqdo guddoomiyaha guddiga maamulo bangiga dhexe ee dalka ee (CBK).
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa 17-kii bishii hore baarlamaanka ku wargeliyay magacaabidda Musangi.
Waxaa turxaan bixiyay guddiga isku dhafka ah ee arrimaha maaliyadda iyo qorsheynta qaran ee baarlamaanka iyo aqalka sare.
Talaadadii ayay ahayd markii uu Andrew Musangi baarlamaanka u sheegay inuu bangiga CBK ku hoggaamin doono qaab ay daahfurnaan ku dheehan tahay oo ka madax bannaan daneysi.