Baarlamaanka oo ansixiyay kordhinta canshuurta shidaalka

0
303

Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa xalay ansixiyay qorshaha dowladda ee ah in canshuurta laga qaado badeecooyinka shidaalka oo horay ahayd boqolkiiba 8 in laga dhigo boqolkiiba 16.
Tani ayaa timid ka dib dood adag oo ay qodobkan ka yeesheen mudanayaasha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio iyo kuwa isbeheysiga muxaafidka ee Kenya Kwanza.
184 ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka ayaa codkooda ku taageeray kordhinta canshuurta shidaalka halka 84 ay ka soo horjeesteen.
Waxay tani micnaheedu tahay in laga billaabo bisha Toddobaad ee sanadkan uu kordhi doono qiimaha shidaalka noocyadiisa kala duwan.