Baarlamaanka oo ansaxiyay magacaabista Kindiki ee madaxweyne ku xigeenka dalka

0
701

Baarlamaanka dalka ayaa ansixiyay magacaabista madaxweyne ku xigeenka cusub ee waddanka Prof. Kithure Kindiki.
Magacaabista Kindiki waxaa si aqlabiyad ah u taageeray 236 xildhibaan, iyadoo uunan jirin sharci dejiyo ka soo horjeestay ama ka aamusay, inkasto mudanayaal ay kalfadhigan ka maqnaayeen.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa si rasmi ah Kindiki u magacaabi doona madaxweyne ku xigeen Kenya ka dibna loo daarin doona xilkaasi.
Markii xilkan loo dhaariyo Kindiki, wuxuu beddelaya madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua, kaas oo ay baarlamaanka xilka ka qaadeen.