Baarlamaanka oo ansaxiyay isbeddelka xisbiyada siyaasadeed

0
426

Mudanayaasha baarlamaanka dalka ayaa dood dheer ka dib ugu dambeyn xalay ansaxiyay isbeddel lagu sameeyay xeerarka u degsan maareynta xisbiyada siyaasadeed ee wadanka.
Hindise sharciyeedka ay meel mariyeen ayuu tirsigiisu yahay Bill No. 56 ee sanadkii 2021.
Xubnaha baarlamaanka ayaa si wayn ugu kala qaybsanaa ansaxinta xeerarkan waxaana ka soo horjeeday xulafada siyaasadeed ee madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Mudanayaasha ayaa diiddanaa in xisbiyada dalka loo beddelo isbeheysiyo la soo dhisayo 6 bilood ka hor xilliga doorashada in kastoo dhanka codeynta looga tira badnaaday.
Waxaa ansaxinta isbeddellada ku dhawaaqay Patrick Mariru oo matalayay guddoomiyaha.
Hindisaha oo uu baarlamaanka hor geeyay hoggaamiyaha aqlabiyadda golaha qaran ee xeer dejinta ahna mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Kipipiri, Amos Kimunya ayaa loo gudbin doonaa aqalka sare si uu u ayido ama meesha uga saaro.