Baarlamaanka oo ansaxiyay dhammaan wasiirradii la turxaan bixiyay ee u soo magacaabay madaxweynaha dalka

0
373

Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa ansaxiyay dhammaan 22 xubnood uu bishii hore soo magacaabay madaxweynaha dalka William Ruto
Xildhibaannada ayaa maanta ka dooday wasiirrada la turxaan bixiyay ka hor inta aysan ansixin.
Sidoo kale mudanayaasha baarlamaanka ayaa ansaxiyay Peninah Malonza uu madaxweynaha dalka u soo magacaabay wasiirradda wasaaradda dalxiiska taas oo guddiga golaha qaran ee xeer dejinta u qaabilsan turxaan bixinta ay si aqlabiyad ah u diideen magacaabisteeda, maadaama aysan ku qancin kartideeda iyo waayo aragnimadeeda ee qabasahada jagadan.
Xildhibaannada xulafada la ah isbeheysiga talada wadanka haya ee Kenya Kwanza ayaa taageero u muujiyay ansixinteeda, iyagoo sheegay in Malonza ay awood u leedahay qabashada xilkan, islamarkaana ay tahay in la siiyo fursad ay ku shaqeyso.
Wasiirrada magacaaban ayaa hadda sugaya in warbixintooda loo gudbiyo hoggaamiyaha ugu sarreeya wadanka.
Karaaniga baarlamaanka Serah Kioko, ayaa madaxweynaha dalka ku wargelin doonto si xubnahan loo dhaariyo.