Baarlamaanka labadiisa aqal oo maanta loo qaybiyay nuqulka wax ka beddelka dastuurka

0
271

Baarlamaanka dowlaldda Federaalka ee Soomaaliya labadiisa gole ayaa maanta loo qaybiyay nuqulka u dambeeya ee soo jeedinta wax ka beddelka afarta cutub ee ugu horreeya Dastuurka kumeel gaarka ah.
Qodobbada ugu muhiimsan ee wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, ayaa sheegaya in dalku yeelanayo Madaxweyne iyo Ra’iisul wasaare uu soo magacaabayo madaxweynaha, xilkana uu ka qaadi karo.
Qodobbada kale ee lagu soo kordhiyay dastuurka ayaa kala ah, in muddada xilhaynta hay’adda dastuuriga ee dowladda ay noqonayaan shan sano, madaxda dowlad goboleedyada waxaa loogu yeerayaa hoggaamiyayaal, dalkuna uu yeelanayo saddex xisbi.
Guddiga loo xilsaaray wax ka beddelka dastuurka ayaa sheegay, in 7,470 oo muwaadiniin ah ay aragti ka dhiibteen wax ka beddelka cusub, iyadoo guud ahaan tirada aragtay ee muwaadiniinta Soomaaliyeed lagu sheegay 213,838.
Maalinta Sabtida ee soo socota ayaa la sheegay in labada gole ee Baarlamaanka ay cod u qaadi doonaan ansixinta wax ka beddelka Dastuurka.
Wax ka beddelka dastuurka waxaa si adag uga soo horjeeda maamulka Puntland, madaxdii hore ee Soomaaliya iyo siyaasiyiin xilal ka soo qabtay dowladda, kuwaas oo ka digay in madaxweyne Xasan Sheekh uu dastuurka wax ka beddelo.