Baarlamaanka iyo aqalka sare oo loogu baaqay inay wada shaqeeyaan

0
308

Hoggaamiyaha wadanka William Ruto ayaa xildhibaannada baarlamaanka iyo xubnaha aqalka sare ugu baaqay inay si dhow u wada shaqeeyaan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in maamulkiisa uu ku dadaalaya in laga hor tago isfahan waa’ soo dhex galo labada dhinac.
Aqalka sare ayaa horay maxkamadda u geeyay dacwad uu ku doonaya in faahfaahin sharciyeed laga bixiyo hindisayaal uu baarlamaanka ansixiyay.
Hasa ahaate William Ruto ayaa xusay inuusan oggolaan doonin in tabashooyin ay kala qabaan labada gole ay maxkamad xalliso.
Hoggaanka baarlamaanka iyo aqalka sare ayuu kula taliyay inay xoogga saaraan sidii arrintan looga dhabeyn lahaa.
Hadalkan ayuu ka jeediyay magaalada Nanyuki ee ismaamulka Laikipia oo uu ka qabsoomay shirka saraakiisha sar sare ee dowaldda iyo golaha barasaabyada.