
Baarlamaanka Israa’iil ayaa maanta u codeynaya xukuumad cusub oo 12 sano ka dib beddelaysa maamulka Benjamin Netanyahu
Netanyahu oo 71 sano jir ah ayaan ku guulaysan inuu xukuumad soo dhiso ka dib doorashadii dhacday 23-kii bishii saddexaad ee sanadkan.
Doorashadan ayaa ahayd midii afaraad ee la qabtay muddo labo sano gudahood ah.
Maamulka cusub ee ay maanta xubnaha baarlamaanka Israa’iil u codeynayaan ayaa looga fadhiyaa mideynta shacabka.