Baarlamaanka Israa’iil ayaa cod u qaaday isbeddel lagu sameynaya hannaanka cadaaladda.
Isbeddelkan oo lagu dhimaya qaar ka mid ah awoodaha maxkamadda ugu sarreysa ee Supreme ayaa waxaa baarlamaanka u gudbisay xukuumadda Ra’iisul Wasaare, Benjamin Netanyahu.
Waxaa hindise sharciyeedkan u codeeyay 64 xubnood mana jirin cid ka soo horjeedsatay.