Baarlamaanka India oo doonaya in xilka laga qaado Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi

0
299

Baarlamaanka dalka India ayaa wado qorsho kalsoonida lagala laabanaya xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha wadankaasi Narendra Modi.
Tani ayaa imaanaysa ka dib rabshado ka dhacay gobolka waqooyi bari ee Manipur oo lagu tilmaamay dagaal beeleedyo.
Xisbiga Modi ee (BJP) ayaa aqlabiyad ku leh baarlamaanka waxaana ku matala 301 ka mid ah 542-da xubnood sidaasi awgeedna waxaa la saadaalinaya in xukuumadda Modi aynan saameyn ku yeelan doonin tallaabada la guda galay.
Garabka mucaaradka ee India ayaa doonaya in dowladda talada haysa lagula xisaabtamo in ka badan 130 qof oo tan iyo bishii Shanaad ee sanadkan lagu dilay gobolka Manipur halka 60,000 oo kalena ay guriyahooda ka barakaceen.
Guddoomiyaha golaha hoose ee India ,Om Birla oo maanta qabtay mooshinka mucaaradka ayaa sheegay inuu mar dhow go’aamin doono xilliga laga doodaya oo cod loo qaadaya arrinkan.
Si mooshinkan xildhibaannada loogu bandhigo , waxaa loo baahan yahay inay taageersan yihiin ugu yaraan 50 xubnood.