Baarlamaanka dalka Ghana ayaa meel mariyey xeer adag oo ka dhan ah dadka isku jinsiga ee wax iska daya iyo labeebka ee loo yaqaano LGBTQ.
Xeerarkan ayaa lagu ciqaabi doonaa cid kasta oo gudaha Ghana ugu ololeysa ama isku dayda inay ku horumariso xiriirrada noocani ah.
Xiriirka dadka isku jinsiga ayaa horay mamnuuc uga ahaa Ghana waxaana cidii lagu helo la xirayay saddex sano balse hindise sharciyeedka cusub ee uu baarlamaanka dalkaasi ansixiyay ayaa waxaa ku xusan in cidii arrimahan horumarinaysa , taageeraysa ama maalgelinaysa la xiraya shan sano.
Isbeheysi ay ka mid yihiin hoggaamiyaasha diimeed iyo oday dhaqameedyada Ghana ayaa arrinkan baarlamaanka u gudbiyay.
Waxaa uu hadda qorshuhu yahay in loo gudbiyo madaxweynaha dalka Ghana Nana Akufo-Addo oo haysta muddo 7 cishe ah oo uu ku ansixinaya ama dhinac iskaga dhigaya sida uu qabo dastuurka wadankaasi.
Haddii uu madaxweynaha qalinka ku duugo, sharcigan ayaa si rasmi ah u dhaqangalaya.
Madaxweyne Nana Akufo-Addo, ayaa horay uga gaabsaday dood kulul oo la xiriirtay hindise sharciyeedka wuxuuna sheegay inuu ka falcelin doono marka uu baarlamaanka u codeeyo.