Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa soo jeediyay in muddada ay qaadato in qofka kenyaanka ah uu helo baasaboorka ka dib marka uu codsado aynan ka badan saddex cishe.
Xildhibaannada oo arrinkan u bandhigay guddiga maamulka qaran iyo amniga gudaha ayaa sidoo kale dowladda ugu baaqay in ay xarumaha waaxda socdaalka ka furto guud ahaan wadanka.
Dad badan ayaa hadda waxay danta ku qasabtaa in ay baasaboor u raadsadaan ismaamullada faro ku tiriska ah ee laga bixiya dokumeentiga muhiimka ah.
Xildhibaanka deegaan baarlamaneedka Galbeedka Narok ahna guddoomiyaha guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha maamulka qaran iyo amniga gudaha , Gabriel Tongoyo ayaa sheegay in haddii kheyraad ku filan la helo muddada ay dadweynaha sugaan baasaboorka lagu soo koobi karo saddex maalmood oo keliya.
Waxaa uu xusay in qorshahan uu fududaan karo hadii waaxda socdaalka ee dalka ay xafiisyo ka furato dhammaan ismaamullada.
Mudanaha deegaanka Bariga Mandera Xuseen Waytaan ayaa dhankiisa dowladda ku bogaadiyay in ay soo saartay tallaabooyin lagu wanaajinaya adeegyada waaxda socdaalka ee dalka.