Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa hor istaagay dhaqangelinta isbeddellada dhanka tacliinta ee uu soo jeediyay guddi uu madaxweyne William Ruto u magacaabay inuu dib u eegis ku soo sameeyo manhajka waxbarashada ee CBC.
Baarlamaanka ayaa sheegay in aan isbeddellada lagu tallaabo qaadi karin ilaa iyo inta laga ansixinaya xeerarka ku habboon.
Tani ayaa timid ka dib farriin uu baarlamaanka u gudbiyay xildhibaanka deegaanka Emuhaya ,Omboko Milemba.
Mudanaha ayaa dalbaday in faahfaahin laga bixiyo qaabka ugu habboon ee ay tahay in loo maro isbeddellada tacliinta iyadoo la raacaya xeerarka dastuuriga ah.
Mudanaha deegaanka Ainabkoi, Samuel Chepkonga ayaa dhankiisa sharci darro ku tilmaamay in la dhaqangeliyo talooyin aan ku qotomin dastuurka dalka.