Aqalka Baarlamaanka dalkani Kenya oo hadda fasax ku jira ayaa Arbacada oo ay ku beegan tahay 27-ka bishan April yeelanaya fadhi gaar ah oo ay ku maamuusayaan madaxweynihii 3-aad ee dalka Mwai Kibaki.
Baarlamaanka dalka oo fasaxiisu ahaa ilaa 10-ka bisha May ayaa loo qorsheeyay in ay soo xaadiraan fadhi gaar ah ka dib markii 22-kii April uu madaxweyne Uhuru Kenyatta ku dhawaaqay geerida Kibaki.
Afahyeenka aqalka Baarlamaanka ee dalka Justin Muturi ayaa sheegay in maamuuska la qaban doono 2:30 duhurnimo ee maalinta arbacada ah.
Dalka waxaa uu ku jiraa xaalad baroor diiq ah iyadoona tan iyo markii uu geeriyooday Mr Kibaki hoos loo dhigay calanka Kenya.
Madaxweyne Uhuru Kenyaatta ayaa amray jimcihii in la baroor diiqayo ilaa aaska Mwai Kibaki.