Baarlamaanka dalka oo ansaxiyay hindise sharciyeedka BBI

0
438

Xildhibaanada baarlamaanka dalka ayaa xalay ansaxiyay hindise sharciyeedka BBI ee la doonayo in lagu beddelo qaar ka mid ah qodobbada dastuurka dalka.
Waxaa qorshahan oo markii labaad baarlamaanka laga hor akhriyay codkooda ku taageeray 235 xildhibaan oo ka mid ah 320 ka ra’yi dhiibtay.
Hindisaha waxaa diiday ama maya ugu codeeyay 83 mudanayaal ah halka labo ay ka gaabsadeen.
Markii la gaaray akhrintii saddexaad ee hindise sharciyeedka BBI waxaa codkooda ku taageeray 224 mudanayaal ah halka 63 ay ka soo horjeesteen sidoo kalena 2 ay ka aamuseen.
Wararka ayaa intaa ku daraya in codeynta ay qaadatay ilaa afar saacadood.
Xildhibaanada si cad uga soo horjeestay waxaa ka mid ah Aadan Barre Ducaale oo laga soo doortay deegaanka Garissa Township horayna u soo noqday hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka.
Waxaa uu sheegay in bulshada soomaaliyeed ee uu matalo si gaar ah shacabka deegaankiisa aynan wax dani ah ugu jirin sidaas awgeedna uunan qorshahan codkiisa ku taageeri karin.
Sidoo kale waxaa uu xildhibaanka su’aal geliyay soo jeedinta ah in waaxda garsoorka ee dalka uu ka mid noqdo sarkaal matalaya golaha fulinta ee dowladda.
Tallaabadan ayuu Aadan Barre sheegay in ay caqabad ku noqonayso madax bannaanida waaxda cadaaladda ee dalka maadaama sida uu hadalka u dhigay xaakiinada la cabsi gelin karo.
Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Mr. Justin Muturi ayaa lagu wadaa inuu dib u eego khaladaad dhanka qoraalka ah oo la sheegay inuu ku jiro dokumeentiga BBI ka hor inta uunan u gudbin madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta.