Waxaa uu qorshuhu yahay in khuburrada caafimaadka ay maanta sii wadaan qalliinada baaritaannada ah ee lagu sameynaya 44 ka mid ah meydadka laga helay xabaal wadareedyada keynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi.
Shalay ayay ahayd markii la baaray meydad gaaraya 24 tani oo tirada guud ee ilaa iyo hadda la eegay ka dhigaysa 381.
Sarkaalka sare ee dowladda dhexe u qaabilsan baaritaannada lagu sameeyo meydadka Dr. Johansen Oduor ayaa warfidiyeennada u sheegay in 23 ka mid ah meydadkii shalay la baaray ay ahaayeen carruur halka midka kale uu ahaa qof wayn.
Dr. Oduor ayaa arrintan u aaneeyay in meydadka carruur badan lagu soo saaray wajigii afaraad ee howlgallada lagu raadinayay xabaal wadareedyada.
Waxaa uu sidoo kale xusay in baaritaannada lagu ogaaday in 6 ka mid ah dadkan ay gaajo u dhinteen halka 18 kale aan la xaqiijin sababta ka dambeysay geeridooda maadaama ay aad u go’goeen.