Xafiiska dacwad oogidda dalka Peru ayaa billaabay baaritaano ka dhan ah madaxweynaha cusub ee wadankaasi Dina Boluarte iyo xubnaha golaheeda wasiirrada.
Waxaa la eegaya sida maamulka hoggaamiyo Peru uu uga falceliyay rabshado dalkaasi ka dhacay bishii Diseembar ee sanadkii hore.
Dhibaatooyinkan ayaa ka dhashay tallaabadii xafiiska looga saaray ka dibna lagu xiray madaxweynihii hore ee Peru,Pedro Castillo.
Waxaa rabshadaha ku dhintay ugu yaraan 40 ruux halka boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Isniintii ugu yaraan 17 qof lagu dilay gobolka Koonfureed ee Puno ee dalka Peru.




