Baaritaanno lagu xaqiijiyey in dadkii ku geeriyooday Kasarani ay u dhinteen rasaas ku dhacday

0
432

Warbixino la xiriira meydadka dadkii ku geeriyooday garoonka ciyaaraha ee Kasarani xilligii ay dadweynaha daawanayeen meydka Raa’iisul wasaare Raila Odinga ayaa xaqiijinaya in shaqsiyaadkaas ay u dhinteen dhaawacyo rasaas ah, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Vocal Africa. Dhibanayaasha garoonka Kasarani ayaa waxaa magacyadooda lagu sheegay Vincent Otieno Ogutu, oo 36 sano jir ahaa, kana soo jeeda xaafada Umoja 3 ee magaalada Nairobi, Evans Onyango Kiche, 40 jir ka soo jeeda deegaanka Njiru ee ismaamulka Nairobi iyo Josfae Jida Burka, 42 sano jir ka soo jeeda xaafada Lakisama ee deegaanka Kasarani.
Evans Kiche ayaa u dhintay hal xabbad oo madaxa ka haleeshay, taasoo sababtay dhaawac wayn oo lafta madaxa iyo maskaxda ah, halka Vincent Otieno Ogutu uu u geeriyooday dhaawac feeraha ka soo gaaray ka dib rasaas xabadka ka haleeshay.
Rasaasta laga soo saaray maydkooda ayaa lagu wareejiyay hay’adda madaxa bannaan ee kormeerta howlaha booliiska ee (IPOA) si ay baaritaan dheeraad ah ugu sameeyaan.
Saraakiisha ayaa sheegay in 163 qof ay ku dhaawacmeen shaqaaqadii ka dhacday Kasarani iyadoo ugu yaraan 34 qof loo gubdiyay isbitaallada si ay u helaan daryeel dheeraad ah.
Madaxa hay’adda Vocal Africa Xuseen Khaalid ayaa cambaareeyay adeegsiga xoog wax ku oolka ah ee dhammaan munaasabadaha, waxaa uuna carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay isla xisaabtan.