Baaritaan lagu sameeyay meydka nin dhawaan ay dishay haweeneey boolis ahayd

0
470

Natiijada baaritaanka meydka nin lagu magacabai jiray Peter Ndwiga ayaa la soo saaray ka dib markii ay ka takhalustay haweenay boolis ahayd taas oo hadda baxsad ah.
Baaritaanka ayaa muujinaya in Peter Ndwiga laga toogtay meel u dhaw dhagtiis bidax ay rasaastana ka baxday dhagtiis midigta ah.
Waxaa ayna dhakhaatiirtu sheegeen inuu ninkaas u geeriyooday dhiigbax maskaxeed .
Ndwiga ayaa waxaa toogatay Caroline Kangogo, oo ahayd haweenay boolis ah taas oo laba maalmood guduhooda ah ku dishay laba qof oo loo malaynaya inay bartilmaamedsanaysa.
Waxaa ayna horay u dishay sarkaal boolis ah oo lagu magacaabo John Ogweno oo ka hawlgalayay saldhig boolis oo ku yaala Nakuru.
Tan iyo markii ay falalka dilka ah gaystay waxaa ku dabajira laamaha ammaanka iyada oo aan meel lagu sheegi karin.
Waxaa ayna ciidanada ka digeen in haweenaydaas ay gaysan karto falal kale oo dil ah maadaam ay hubaysan tahay bartilmaamedna ay ku socoto.