Baaritaan lagu sameeyay meydka Sylvia Kemunto oo ahyd ardayad wax ka baranaysay jaamacada Multimedia University ayaa muujiyay in la ceejiyay.
Baaritaankan oo uu sameeyay dhakhtarka dowladda u qaabilsan baaritaanada meydadka Johansen Oduor ayaa sheegay in Sylvia oo sanadkeedii koowaad dhiganaysay Jaamacada MMU ayaa iska caawin muujisay ka dib markii uu qof weerar kula kacay ka hor dhimashadeeda.
Kiiska dilka ah ayaa argagax geliyay guud ahaan dalka.
Eric Mutinda, oo ah ninka looga shakisan yahay dilkeeda iyo sidoo kale ahaa arday fasalka koowaad isla jaamacadda, ayaa dembi-baarayaasha siiyey tafaasiil ku saabsan dhacdooyinkii keenay dilka iyo soo xiritaankiisa.
Eric Mutinda ayaa la sheegay in uu horey u sii qaatey taleefoonka gabadhaas taasi oo keentay shakiga ah in dilkeeda uu ku lug lahaa.
Meydka haweeneydaasi ayaa la dhex galiyay haanta biyaha iyadoo in muddo ahna la raadinayay.