Baaritaan lagu bilaabay dab ka kacay guriga xildhibaan laga soo doortay deegaanka Rangwe ee Homa Bay

0
642

Koox baarayaal ah ayaa tagay guriga xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Rangwe ee ismaamulka Homa Bay Lilian Gogo kadib markii uu dab qabsaday gurigeeda.
Waxa sababay dabkan oo ka kacay tuulada Omoche, qaybta bariga Gem ee deegaanka Rangwe si degdeg ah looma xaqiijin.
Balse natiijooyinka hordhaca ah ayaa muujinaya Booliska gaaray goobtaas ay soo heleen waxyaabo cadeymo ah oo baaritaanada loo cuskan karo.
Qofna guriga ma joogin xilliga uu dabku kacayay .
Laamaha ammaanka ayaa qorsheynaya in ay su’aalo weydiyaan dadkii ka agdhawaa guriga.
Mrs Gogo ayaa sheegtay in aysan wax war ah ka haynin waxa sababay dabka.