Madaxda kaniisadaha oo kulan la qaatay madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay inay door ka qaadan karaan xal u helidda dagaallada ka taagan gobolka geeska Afrika.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in loo baahan yahay in si wayn la iskaga kaashado sidii nabad waarta loogu soo dabbaali lahaa gobolka.
Xoghayaha guud ee kaniisadaha Pentecostal Elly Rob ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in si nabad ah lagu wada noolaado.
Baadarigan ayaa intaasi ku daray haddii ay qaaraddu ka jirto xasilooni buuxda in Afrika ay noqonaysa mid ku tallaabsata kobac dhaqaale.
Hoggaamiyaha dalka William Ruto ayaa dhankiisa madaxda diimeed uga mahadceliyay dadaalka ay ku bixiyaan arrimaha nabadda , cadaaladda iyo xoojinta wadajirka dadweynaha ku nool waddamada qaaradda Afrika.
Dr. Ruto ayaa sidoo kale ka mahadceliyay kaalinta ay ku biiriyaan adeegyada bulshada isagoo xusay in maamulkiisa uu diyaar u yahay la shaqeynta madaxda diimeed.
BISHOPS: WE CAN HELP AFRICA RESOLVE CONFLICTS
The church wants to play a central role in the resolution of conflicts in the Horn of Africa.
The instability in the region calls for escalated intervention for sustainable peace to be realised, they said. – https://t.co/f3w5aJpEjo pic.twitter.com/5rWYVoSUcY
— State House Kenya (@StateHouseKenya) April 13, 2023