Waxaa garsooraha maxkamadda sare ee deegaanka Malindi ee ismaamulka Kilifi ka soo hormuuqday baadari lagu magacaabo Paul Nthenge Makenzi.
Waxaa loo haystaa in ugu yaraan afar qof ay u dhinteen talo uu siiyay oo ahayd inay cuntada iyo biyaha ka af xirtaan ilaa iyo inta ay ka geeriyoonayaan.
Garsoore Elizabeth Usui ayaa amartay in baadariga xabsiga lagu sii hayo labo toddobaad si loo soo gabagabeeyo baaritaannada ka dhanka ah in kastoo saraakiisha dacwad oogidda ay codsanayeen in la siiyo muddo 30 cishe ah.
Waxay Makenzi xabsiga ku wada jiri doonaan 6 qof oo ka mid ah dadka taabacsan halka qof toddobaad muddo isbuuc ah uu helaya talasiin maskaxeed.
Shakhsiyaadka kale ee maxkamadda la soo taagay ayaa kala ah Robert Kahindi Katana, Alfred Asena, Sanga Stephen Muye, Gideon Mbithi Kioko, Joseph Kenga Mbogoli, Stephen Ominde Lwangu, Collins Kabae, Felix Wandera, David Mbaya, Mercy Auko, Jane Nyaboke, Paul Karisa iyo Allan Robiko.