Mid ka mid ah baabuurta xamuulka qaada ayay maanta dibadbaxayaal dab ku qabadsiiyeen waddada ByPass gaar ahaan dhanka xaafadda Kibera ee ismaamulka Nairobi.
Darawalka baabuurkan waday oo lagu magacaabo Jibriil Abduba ayaa sheegay inuu ka soo safray Mombasa oo uu ku wajahnaa magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dibadbaxayaasha ay isku dayeen inay boobaan xamuulka balse markii ay u suurtageli waysay inay furaan qaybta dambe ee gaariga ay dab qabadsiiyeen qaybta hore .
Wadaha oo u warramay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa xusay inuu naftiisa la soo baxsaday isagoo sita taleefoonkiisa.
Cod