Waxaa uu aroornimadii hore ee maanta shil ka dhacay ismaamulka Kisumu.
Labo ka mid ah wadayaasha mootooyinka ayaa halkaasi ku nafwaayay ka dib markii ay isku dhaceen baabuur iyo mootooyinka.
Waxaa intaasi ka dib iyagoo careysan gaarigaasi dab qabadsiiyay wadayaasha kale ee mootooyinka ee Kisumu ka hor inta aynan ciidamada ammaanka xaaladda dejin.
Booliiska ayaa laga soo xigtay in wadihii gaariga ay soo gaareen dhaawacyo fudud waxaana la geeyay isbitaalka Jaramogi Oginga Odinga Teaching and Referral Hospital oo lagu daaweynaya.