Azimio oo su’aal gelisay bayaan shalay soo baxay

0
354

Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa iska fogeeyay bayaan uu shalay soo saaray hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah.
Waxaa bayaankaasi ku xusan qodobbada ay labada dhinac ka wada tashadeen si loo xalliyo ismari waaga siyaasadeed ee taagan.
Ichung’wah ayaa bayaanka ku sheegay in la soo dhisi doono guddi ka kooban toban xubnood oo qayb ka noqonaya wada hadallada.
Waxaa uu intaasi ku daraya in arrimaha laga wada hadlaya ay ka mid yihiin dib u dhiska guddiga doorashooyinka ee IEBC, dhaqangelinta xeerka isku dheellitirka jinsiyadeed iyo soo dhisidda xafiiska madaxa mucaaradka.
Hasa ahaate Azimio ayaa beenisay inay wada tashigaasi qayb ka ahayd waxayna qoraalka Kimani Inchung’wah ku tilmaantay mid hal dhinac ah.
Waxay sheegeen in arrintan keliya ee ay ku waafaqsan yihiin ay tahay in labada dhinac ay isku afgarteen in wada hadallada ay sii socdeen iyadoo uu garwadeen ka yahay madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo.
Mucaaradka ayaa weli ku adkeysanaya in kooxda matalaysa dowladda ay kala hadli doonaan yareynta qiimaha sarreeya ee maciishadda , isbeddellada doorashooyinka, in aan la faragelin arrimaha isbeheysiyada iyo xisbiyada ka tirsan iyo in baaritaano lagu sameeyo waxyeello ay booliiska gaarsiiyeen dad shacab ah xilliyadii dibadbaxyada.