Iyadoo lagu wado in baarlamaanka dalka maanta mar kale loo bandhigo hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan si ay xildhibaannada u eegaan uguna codeeyaan isbeddellada la sameeyay ayaa waxaa arrinkan ka hadlay isbeheysiga mucaaradka ee Azimio.
Hoggaamiyaha siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka Opiyo Wandayi ayaa sheegay in ay doonayaan in gebi ahaanba meesha laga saaro hindisahan.
Waxaa uu xubnaha baarlamaanka ee gudbiyay codsiyada ku aaddan in nidaamkan isbeddel lagu sameeyo uu ku wargeliyay in ay codsiyadaasi ka laabtaan.
Shir jaraaid oo uu qabtay ayuu arrinkan shaaca uga qaaday.