Isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya ayaa baajiyay kulan dadweyne oo uu 12-ka bishan fagaaraha Jacaranda Gardens ee xaafadda Embakasi ee magaalaada Nairobi ku qaban lahaa.
Madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka Opiyo Wandayi kana mid ah xulafada isbeheysiga Azimio ayaa sheegay in la baajiyay kulankii dadweyne ee ay 12-kii bishan qorsheysnaa .
Hasa ahaate waxaa uu xusay in wada hadallada dadweynaha lagula tashanaya ay guud ahaan dalka ka soconayaan.
Shalay ayay ahayd markii hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga uu mar kale sheegay in munaasabad barbar socoto xuska maalinka Jamhuri Day ay ku qaban doonaan fagaaraha Jacaranda.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maalinkaasi lagu wadaa inuu shacabka ku hoggaamiyo xuska Jamhuri Day oo lagu qaban doono beerta Uhuru Gardens ee magaalada Nairobi.