Azerbaijan oo sameysay baaritaan horudhac ah oo ku saabsan diyaaradii ku burburtay Kazakhstan

0
498

Dowladda Azerbaijan ayaa samaysay baaritaan horudhac ah oo ku saabsan shil diyaaradeed oo dhimasho sababay kaasi oo ka dhacay dalka Kazakhstan.
Baaritaankan ayaa lagu soo gabagabeeyay in diyaaradda lagu soo riday nidaamka difaaca hawada ee Ruushka.
Diyaaraddan oo laga lahaa Azerbaijan ayaa Arbacadii ku burburtay meel u dhow magaalada Aktau xilli ay ku sii jeedday magaalada Grozny ee xarunta gobolka Chechnya ee koonfurta Ruushka.
Shilkan ayaa waxaa ku dhintay 38 qof halka 29 kalena ay ku dhaawacmeen.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in diyaaradda lagu bartilmaameedsaday gantaal ka dib markii ay isgaarsiinteeda curyaamiyeen nidaamyada dagaalka ee elektaroonigga.
Rasaasta lagu riday diyaaradda ayaan la rumeysnayn in ay ahayd mid ula kac ah.
Shabakada Euronews oo soo xiganeysa ilo dowladda ka tirsan ayaa sheegtay in diyaaradda loo sheegay in aan loo oggolayn in ay ku degto dalka Ruushka.
Arrintan ayaa timid ka dib markii duuliyayaashii diyaaraddaasi ay codsadeen in si degdeg ah ay u soo dajiyaani taas beddelkeedana lagu amray in ay ka tallaabaan badda Caspian-ka kuna beegmaan magaalada Aktau.