Falanqeeyaha siyaasadda arrimaha dibadda Axmed Xaashi ayaa dhaleeceeyay sida uu madaxweyne William Ruto u maareeyay howlgalka Taageerada Amniga Caalamiga ah ee Haiti, isaga oo sheegay in caqabadaha saadka ee hoggaamiyaha qaranka uu ka cawday toddobaadkan ay muujinayaan diyaargarow xumo.
Intii lagu guda jiray munaasabad Isniintii ka dhacday xarunta Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee New York, Ruto ayaa waxaa uu sheegay in howlgalka uu ku shaqeynayey kaliya boqolkiiba 40 awoodda saraakiisha sababo la xiriiro shaqaale la’aan, agabka iyo taageerada saadka.
Xaashi, oo Arbacada maanta ah ka soo muuqday barnaamij ay leedahay warbaahinta Spice FM, ayaa su’aal ka keenay sababta Kenya ay ciidamadeeda u geysay Haiti, iyadoo aan marka hore la helin agabkii iyo tabobarradii loo baahnaa si ay si hufan ugu howlgalaan.
Axmed Xaashi ayaa waxaa uu ku dooday in howlgal kasta oo caalami ah uu u baahan yahay qorshe aasaasi ah, oo ay ku jiraan tababar ku saabsan qalabka gaarka ah iyo hubinta gargaar ku filan ee dhanka hawada.
Waxaa uu ka digay in Kenya ay halis ugu jirto inay wiiqdo kalsoonideeda iyadoo si isdaba joog ah uga codsanaysa quwadaha reer galbeedka si ay u taageeraan saadka halkii ay awoodeeda dhisi lahayd.
Falanqeeyaha ayaa sidoo kale su’aal galiyay qaabka ballaaran ee Kenya ay u wajaheyso diblumaasiyadda dhinacyo badan leh, isagoo xusay in doodaha akhlaaqda ee ka mid noqoshada Qaramada Midoobay ay tahay in lagu taageero wax-qabadyo la taaban karo.