Garyaqaan sare Axmadnaasir Cabdullahi ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ugu baaqay inuu madaxa cadaaladda ee dalka ku qasbo inay caddeyso muddada ay ku qaadanaysa xallinta musuqmaasuqa ka dhex jiro waaxda ay hoggaamiso.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in loo baahan yahay in la faahfaahiyo xilliga xafiisyada laga saaraya garsoorayaasha musuqmaasuqa ku lugta leh.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii qareenka laga mamnuucay maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ka dib markii lagu eedeeyay inuu baraha bulshada iyo warbaahinnada ku dhaleeceeyo waaxda cadaaladda .