Axmad Rashiid oo ah sarkaal booliis oo ku eedeysan inuu sanadkii 2017-kii xilli galab ah xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi uu ku toogtay labo dhallinyaro ayaa maxkamadda geeyay codsi uu ku doonaya in dib loo eego dacwadda ka dhanka ah.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliiska ee IPOA uu helay amar maxkamadeed oo loogu yeeray sarkaalka.
Labada dhallinyaro ee la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Jamal Maxamad iyo Maxamad Dhair Kheri.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo guddiga ganacsatada xaafadda Islii ay sheegeen inay garab istaag u muujinayaan Axmad Rashiid.
Waxaa ay hoosta ka xarriiqeen inuu door ka qaatay la tacaalidda falal amni darro oo xaafadda saameyn ku lahaa .