Australia oo qorsheynaysa inay soo dhisto ciidanka badda ee ugu wayn

0
151

Wasiirka difaaca ee dalka Australia Richard Marles ayaa maanta sheegay in ay qorsheynayaan in la soo dhiso ciidanka ilaalada badaha ee ugu wayn tan iyo dagaalkii labaad ee dunida.
Waxaa qorshaha qayb ka ah in Australia ay laba jibbaarto maraakiibteeda dagaalka.
Sidoo kale dowladda dalkaasi ayaa miisaaniyadda gaashaandhigga ku kordhinaysa 11.1 bilyan oo doollarka Australia ah una dhiganta (7.25 bilyan oo doollarka Maraykanka ah).
Wasiir Marles ayaa qorshahan u aaneeyay walaac laga qabo siyaasad joqoraafiyadeed oo sii kordhaya iyo loollanka u dhexeeya Maraykanka, Shiinaha iyo xulafadiisa ee Aasiya.